Caawimaadda Guri ka saarida (Jefferson County)
Caawimaadda Kiro-bixinta
Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo bixinta kirada? Ka codso caawimaad kiro-bixin halkan:
Olympic Community Action Program
- (360) 385-2571
Qareenada
Statewide Intake by Northwest Justice Project
-
Ka codso caawimaad sharci adigoo u maraya CLEAR*Online. Turjubaanno ayaa la heli karaa.
-
Haddii mulkiilaha gurigaagu kuugu hanjabayo inuu kaa saarayo guriga, ka wac Khadka Baaritaanka Difaaca Guri ka saarida halkaan 1-855-657-8387.
Haddii aad xaq u leedahay, garyaqaan ayaa laga yaabaa inuu ku siiyo talo sharci, kaa caawiyo inaad la gorgortanto mulkiilaha guriga, ama macquul ah inuu kuu gudbiyo barnaamijka gargaarka sharciga.
Macluumaadka Maxkamadda (Codsiyada Turjubaan iyo ADA)
Jefferson County Superior Court
1820 Jefferson St
Port Townsend, WA 98368
(360) 385-9395
Turjubaanka Maxkamada
Waxaad xaq u leedahay turjubaan. Weydiiso maxkamadda turjubaan sida ugu dhakhsiyaha badan. Maxkamaddu waa inay keentaa turjubaan oo ay bixisaa lacagtiisa. Uma baahnid inaad la timaado turjubaan.
Haddii uusan joogin turjubaan xilliga dhageysiga dacwaddaada, u sheeg taasi xaakinka:
“I need an interpreter in my language. If I cannot have an interpreter today then I need a 'continuance' until the Court provides me an interpreter.”
-
“Waxaan ubaahanahay turjubaan ku hadla luuqadeyda. Haddii aanan heli karin turjubaan maanta markaa waxaan u baahanahay 'dib-u-dhigid' ilaa Maxkamaddu iiga keento turjubaan.”
Haddii Maxkamaddu diido inay kuu keento tarjumaan, ka dalbo caawimaad sharci halkan Northwest Justice Project.
Codsiga ADA ee Maxkamadda (Sharciga Naafada Mareykanka)
Waxaad xaq u leedahay soo dhaween macquul ah oo khusaysa naafonimadaada. Ka codso Maxkamadda foomka codsiga. Isku day inaad tani sameyso sida ugu dhakhsaha badan kahor dhageysiga dacwadaada.
Haddii maxkamaddu diido codsigaaga hoy macquul ah, la hadal qareen isla markiiba. Ka codso caawimaad sharci halkan Northwest Justice Project.